Sign in to follow this  
Deeq A.

Khamri fara badan oo lagu burburiyay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Isniin ah duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe ku burburiyay in ka badan 300 oo dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidan.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac iyo saraakiil kale, ayaa goob-joog ahaa Goobta Khamrigaas lagu burburiyay.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal, oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay in ninkii Khamrigan lagu qabtay ay maxkamad xukunta, islamarkaana weli lagu raad-joogo ciddii loo waday.

Sidoo kale, waxay sheegeen in cid kasta oo lagu helay in ay khamri Puntland soo geliso sharciga lala tiigsan doono, oo tallaabo adag laga qaadi doono.

PUNTLAND POST

The post Khamri fara badan oo lagu burburiyay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this