Deeq A. Posted February 1, 2021 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa waxa Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha dowlad goboleedka Galmudug. Mudane Farmaajo ayaa ka qayb-galaya Shirka madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka uga furmaya magaalada Dhuusamareeb kaas oo sida la filayo furmi doona Talaadada berri ah. Shirka waxa looga arrinsan doona xallinta muranka ka jira Arrimaha doorashada Soomaaliya waxaana lagu turxaan-bixin doona Heshiiskii hannaanka doorashada dalka oo 17-kii September ay wada-saxiixdeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites