Sign in to follow this  
Deeq A.

Lamaane aroos ahaa oo ku nafwaayay weerarkii Hotelka Afrik

Recommended Posts

Deeq A.   
20210201_164625.jpg?resize=711%2C384&sslMeydka labada marxuum oo yaalla masjidka Xamar-weyne

Dadkii ku dhintay weerarkii shalay ee Hotelka Afrik magaalada Muqdisho waxaa kamid ah lamaane aroos ah oo deganaa hotelka.

Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali Cumar waxay todobaadkii arooska ka baxeen labo maalin ka hor, intii aan lagu dilin goobtii ay ku aqal-galeen ee Hotelka Afrik.

Cali Cumar oo dhalay Faxriyo ayaa sheegay in gabadhiisu markii uu qaraxu dhacay soo wacday oo ku wargelisay weerarka, kadibna uu isla markiiba goobta tagay, hase ahaatee uu geliwaayay hotelka oo markaas ka socday howlgal.

Wuxuu Cali oo murugeysan tilmaamay in uu muddo dhaawacyada ka raadinayay gabadhiisa iyo saygeeda, balse markii uu ogaaday in ay san noolayn ku dadaalay in uu arka meydkooda oo markii dambe uu ku arkay isbitaalka Madiina.

Wuxuu sheegay in aysan jirin cid ay weydiin karaan sida ay u dhinteen gabadhiisa iyo saygeeda, sidaas darteed maanta ku aasayaan qabuuraha Jasiira ee Muqdisho.


PUNTLAND POST





The post Lamaane aroos ahaa oo ku nafwaayay weerarkii Hotelka Afrik appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this