Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg :- Dagaal Ka Dhacay Deegana Hoostaga Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka hada naga soo gaarayo Deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in Halkaasi uu hada dib uga qarxay Dagaal u dhexeeya Labada beelood oo walaalo kuwaas oo wada daga deegaanka .

Illa iyo hadda ma cadda khasaraha rasmiga ah ee dagaalka, waxaaana wararku ay sheegayaan in uu  weli socdo dagaalka.

Dhanka kale Ma jiraan ilaa hada Cid kala dhexgashay ama Dadaal ku bixinaysa Joojinta Colaadaasi Ciidamada Dowlada ayaa Xalay isku dayey inay Halkaasi aadaan balse waxa ay dib ugu soo laabteen Magaalada Dhusamareb.

Hadaba Dhusamareb oo ah Caasimada Galmudug Halka Dagaalkan Qabiilkuna uu ka dhacayo ay u jirto wax ka yar 50km suurgal ma tahay in lagu qabto Shir Soomaali ku tashanayso sowse ma haboona in Xalinta Qilaafka Siyaasadeed laga hormariyo kan Qabiilada ee Dhiigu ku daadanayo.

 

Wixii Faahfaahin ah kala soco https://goobjoog.com/

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this