Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo si kulul u cambaareeyey weerarkii hotel Afriik

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa hoteeka Afrik ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si xoog leh u cambaareyneynaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daray “Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca,”.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this