Deeq A. Posted February 1, 2021 Magaalada Samareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya qaban-qaabada iyo diyaar garowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Amniga magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka. Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaargarowbay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada Samareeb. Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo in la guda galo qabsoomidda Doorasho lagu heshiiyay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites