Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Soomaaliya & kuwa Kenya oo is-rasaaseeyey + khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta is-rasaaseyn khasaare sababtay ay ka dhacdy xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Iska hor imaadka oo u dhexeeyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gorgor iyo kuwa Kenya ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu dhacayey iska hor imaadka ciidamada dowladda ay howl-gallo ka wadeen duleedka degmada Beledxaawo.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhaawacantay dagaalka kooban ee dhex-maray labada dhinac, sida uu Shabelle u xaqiijiyey Nabadoon Idiris Maamed Axmed oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ee ku dhaqan degmada Beledxaawo.

Xaaladda ayaa haatan degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka Kenya oo ku aadan iska hor imaadka ka dhacay xadka.

Dhowaan ayey aheyd markii dagaal qaraar oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay Beledxaawo, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamada wasiirka amniha Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo garab ka helaya Kenya, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this