Sign in to follow this  
Deeq A.

Lamaane todobo ka jiray oo ku dhintay weerarkii hotel Afriik

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho lagu aasay Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali oo ahaa lamaane is qabay, kuwaas oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday hotelka Afriik.

Fahad iyo Farxiyo ayaa todobo ku jiray, waxayna xilliga uu dhacayey weerarka ay daganaayeen hotelka, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah ehelladooda.

Lamaanahan ayaa wada noolaa kaliya muddo 9 beri ah, waxaana maanta loo hooyey gurigoodii rasmiga ahaa.

Dhacdadan ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumiinta oo maalmo ka hor ka qeyb-galay dabaal degga arooska laamanahan oo maanta lagu soo aasay qabuuraha Jasiira

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this