Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hortegaya xildhibaanada BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumadda oo 3 bilood jirsatay ay waxqabadkeedii 100 ka maalmood ka jeedin doonto Golaha Baarlamaanka Talaadada 9ka bisha Febraayo 2021.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa madaxweyne Farmaajo ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxyaabaha uu xoogga saaray mudada uu xilka hayo waxaa ka mid ah dadaalada dib-u-heshiisiinta, dar dar gelinta hannaanka Doorashooyinka Qaranka, dhiira-gelinta ciidanka qalabka sida iyo Dhageysiga tallooyinka wax ku oolka ah ee Bulshada rayidka.

Sidoo kale, Wuxuu Ra’iisal wasaaraha safaro shaqo oo 11 cisho qaatay oo uu ku tagay Puntland iyo Galmudug kaas oo ku qotomay arrimaha doorashooyinka, iskaashiga DFS & Dowlad-goboleedyada iyo u kuurgalidda nolosha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo la tashiyo badan ka sameeyay ayaa 17-ka bishii September sanadkii tagay ee 2020-ka,wuxuu xeer madaxweyne xilka Ra’iisal wasaare Xukuumadda Federaallka ugu magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble,isaga oo ku soo xushay “Aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaranka”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this