Deeq A. Posted February 1, 2021 (SLT-Myanmar)-Hoogaamiyaha Myanmar Aung Suu Kyi iyo Madaxweynaha aan awooda lahayn ee dalkaas Win Myint iyo weliba xubno sare oo ka tirsanaa Dowaldda ayaa ciidamada Millateriga ee Myanmar xabsiga u taxaabeen, kadib afgenbi Milteri ee ka dhacay Myanmar Mudadii uu socdey afganbiga Millatari waxaa la jarey dhamaan isgaadhsiinta, waxaana la demiyey telefishanka Dowladda. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah gawaadhida ciidamada ayaa lagu arkayay waddooyinka iyo aqalka dowladda hoose ee magaalada ugu weyn Myanmar ee Rangoon. Ciidamada Millateriga ayaa hadda xaqiijiyey in ay la wareegeen tallada Myanmar, isla markaana ay xabsiga u taxaabeen hoggaamiyaasha ay ku tilmaameen kuwo ku kacay musuqmaasuq. Millatariga oo ka hadley telefishanka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay tallada mar kale ula wareegeen ay tahay Musuqmaasquu ka dhacay doorashadii dhamaadkii sannadkii hore taas oo si weyn ay guul uga gaadheen Xisbiga ay hoggaamiso Aung Suu Kyi. Ciidammada ayaa sheegay in xaalad degdeg ah dalka la geliyey, muddo sannad ahna ay xilka haynayaan. Haweynayda inqilaabka lagu sameeyey Aung Suu Kyi ayaa muddo badan xabsi guri ku soo qaadatey, ka hor inta ayna tallada dalkaas la wareegin, waxa ay hore ugu guulleysatey abaalmarinta nabadda ee Nobel, laakiin waxay sharafteedi iyo tixgelintii loo hayey ku weydey markii ay qayb ka noqotey xasuuqii Muslimiinta dalkeeda ku noolaa. Source Share this post Link to post Share on other sites