Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee maamul goboleedyada oo tegay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray Dhuusamareeb, wuxuuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu horeeyey ee tega magaaladaasi.

Lafta Gareen waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey dhiggiisa dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee ka dhacaya magaaladaasi, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Dhuusamareeb ay gaaraan madaxda kale ee dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kadib si rasmi ah u furmi doono shirka oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid haatan aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb oo xal looga gaarayo doorashooyinka.

144620636_751309682172338_13156249047511145284877_751309355505704_90732059022017 144581096_751309592172347_17357812691038145191673_751309385505701_77382320399226 144712118_751309408839032_66927130197546 145278633_751309458839027_64411650132217145642391_751309492172357_26922967459089

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this