Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Kulan Wada-tashi ah oo ku saabsan Arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya wuxu la yeeshay siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada waxa ka qayb-galay Siyaasiyiin Aqoonyahanno  iyo Ururada Bulshada Rayidka Puntland waxaana si gaar ah looga hadlay Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo laga soo saaray Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulankaas uu is xog-wareysi iyo Wada-tashi ahaa loogana hadlayay xaaladda dalku marayo.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan xog wareysi iyo wadatashi isugu jira oo ku saabsan xaaladda Dalku marayo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada , Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee Puntland.”

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this