Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis cusub kala saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caddaalada Xukuumadda Soomaaliya iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixanayeen Wasaaradda Caddaalada iyo Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya

Heshiiskaan oo quseeyey hormarinta xabsiyada dalka iyo Waxbarida maxaabiista waxaa labada dhinac u kala saxiixay Agaasimaha Guud Axmed Yuusuf Xasan iyo Wakiilka Hay’ada bisha cas u jooga Soomaaliya Alakis jagwin.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada Axmed Yuusuf Xasan ayaa bogaadiyey garab istaag Dowladda Turkiga, sidoo kale agaasimha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo isugu jira dhismo iyo horumarin lagu samaynayo Xabsiyada ku yaala dalka

Heshiiska maanta ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaliya uu horay u sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta xabsiyada la socodka nolosha maxaabiista iyo sare uqaadida caddaalada dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

0c41d0a3-7390-49e6-bc4d-e582ea8a65e6-102 28ef4ce9-9273-4ac5-b20d-7db7810ab777-102 284ea747-86ab-479b-b8be-93fca6290de5-102 4549930d-bc28-48fc-a3f8-f2dbaed399a9-102 dd6682d1-40e8-4175-9aff-b01b5a18e8cf-102 WhatsApp-Image-2021-01-31-at-12.15.32-PM WhatsApp-Image-2021-01-31-at-12.15.33-PM WhatsApp-Image-2021-01-31-at-12.15.35-PM WhatsApp-Image-2021-01-31-at-12.15.35-PM WhatsApp-Image-2021-01-31-at-12.15.38-PM

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this