Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay, ayaa soo dhowaysay Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo sida qorshaysan lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Bahda Qaramada Midoobay ay soo dhowaynayso Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee isaga iyo Madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya Dhuusamareeb.

Qaramada waxay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku boorrisay, in si deg deg ah Heshiis uga gaaraan Arrimaha Doorashada dalka, oo muran iyo khilaaf ka jiro, si loo qabto doorasho loo dhanyahay.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember.”

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this