Sign in to follow this  
Cowke

Quran Recitation Competion Concludes In Qardho. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Tartan Quraan Akhris ah oo lagu soo gabagebeeyay Dugsiga Imaamu-Dahabi Qardho(Sawiro)

July 23, 2010

 

 

Waxaa galabta lagu qabtay dugsiga xifdinta Quraanka Kariim iyo waxbarashada Aasaasiga ah ee Imaamu-Dahabi, xaflad si wayn loo soo agaasimay oo looga gol lahaa sidii abaal marino loo gudoonsiin lahaa arday ku guuleysatay tartan Quraan akhris ah oo soconayay muddo saddex maalmood ah.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay waalidiinta dhalay ubadka wax ka barta dugsiga Imaamu-Dahabi, gudoonka waxbarashada degmada Qardho,hay’adaha khayriga ah iyo masuuliyiin ka socota bahda waxbarashada ee magaalada Qardho, ugu horaynti waxaa xaflada lagu furay Aayadaha Quraanka kariimka ah,ka dibna waxaa la guda galay khudbadihi kala duwana ee loogu talo galay madasha xaflada lagu qabtay oo ahayd dugsiga Imaamu-Dahabi.

 

Ugu horaynti waxaa makroofanka lagu soo dhoweeyay maamulaha dugsiga xifdinta Quraanka kariimka ah iyo waxbarashada aasaasiga ah ee Imaamu-Dahabi Axmed Maxamed Maxamuud(Xurbe), wuxuuna ka hadlay marxaladihi kala duwana ee dugsigu soo maray mudadi uu shaqaynayay, isagoo diirada saaray caqabadihi soo maray dugsiga iyo sidii ay uga soo kabteen wax kasta oo ay la soo kulmeen.

 

Waxaa madasha xaflada ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye, wuxuuna ku nuux nuuxsaday Siciid inay tahay wax aad loogu farxo arday ku tartamaysa ‘Quraanul Kariim’ oo ah qowlka ‘Alaah SWC’, taasi oo ah wax ay ku taamayeen waalidiinta dhalay ubadkan soo barbaaraya.

 

 

Sidoo kale Dadki halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa,maamulaha Dugsiga H/Dh/sare ee Imaamu-Nawawi Qardho, Bashiir Axmed Gaala Eri,C/laahi Faarax Mire oo ka socday hay’ada Tadamun Social Society(TASS),qaar ka tirsan ardayda iyo xubno ka socday waalidiinta.

 

Gabagabadi xaflada ayaa waxaa abaal-marino kala duwan la gudoonsiiyay ardaydi kaalmaha sare ka gashay tartanki ‘Quraan Akhriska’ ahaa ee mudada saddexda cisho ah ka socday dugsiga Imaamu-Dahabi.

 

Dugsiga xifdinta Quraanka kariimka ah iyo waxbarashada aasaasiga ah ee Iimaamu-Dahabi,waxa uu ka mid yahay dugsiyada ugu firfircoon xaga waxbarashada diiniga ah ee ku yaala magaalada Qardho, waxaana la furay sanadki 2002-dii.

 

C/rashiid Maxamed Daahir

Horseed Media

Qardho,Puntland

 

510.jpg

 

120.jpg

 

76.jpg

 

84.jpg

 

154.jpg

 

144.jpg

 

217.jpg

 

413.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this