Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo wado kale durba qaadey, Labada Aqalna ka dalbanaya Mudo kordhin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib kulankii maanta dhex maray Madaxweynaha iyo Xubnaha Beesha Caalamka Soomaaliya u jooga waxaa la isla gartay in Shirkii Pl iyo JL ku baaqeen la isugu yimaado dharuud la’aan iyadoo waliba madaxweynaha loo qabtay wakhti cayiman inuu ku fhawaaqo aqbalida Shirka .

Waxaa kaloo ay Beesha Caalamka iyo Madaxweynuhu isla meel dhigeen in isqabqabsi iyo kooxaysi aan la aqbalayn maadaama Wakhtiga Xukuumadu dhamaadey.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo dareensan in walhtigu kasii dhamaanayo , wuxuu durba bilaabay inuu helo Luuq kale oo uga dhuuman karo Beesha Caalamka iyo Saamilayda Siyaasada Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu goor dhaweyd shaaciyey inuu labada Aqal hortagayo.

Ilo Wareedyo aad ugu dhuun daloola Vila Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo waxay Puntlandi.com u sheegeen in Madaxweynuhu uu Labada Aqal ka dalbanayo Mudo kordhin , uu u helo mandate- cusub oo awood usiinaya inuu walhtiga sii jiidjiido.

Waana kaarka ugu dambeeya ee uu Madaxweynuhu Ciyaarayo,

Puntlandi.com Nairobi

The post Madaxweyne Farmaajo oo wado kale durba qaadey, Labada Aqalna ka dalbanaya Mudo kordhin appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this