Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shir Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxweeyne Farmaajo iyo Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa kulan looga hadlayay Arimaha doorashikyinka waxa uu la qaatay Saaxibada Caalamka ee taagera Soomaaliya .

Beesha Caalamka ayaa madaxweeynaha kala hadashay Arimaha doorashooyinka iyo Tabashooyinka maamulada Puntland iyo Jubbaland.

War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Doowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka kaga mahad celisay dadaalada Xal raadinta ah ee ay ka waddo arimaha Doorashooyinka.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

FB_IMG_1612022920101.jpg FB_IMG_1612022943333.jpg FB_IMG_1612022945743.jpg FB_IMG_1612022937867.jpg FB_IMG_1612022940798.jpg FB_IMG_1612022933573.jpg FB_IMG_1612022935362.jpg FB_IMG_1612022925537.jpg FB_IMG_1612022931576.jpg FB_IMG_1612022923257.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this