Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News : – M/weyne Farmaajo oo ku jira Rafashadiisii ugu danbeysay iyo isagoo bilaabay isku horkeen qabiil Hawiye Vs Daarood

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dawlad Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ansixiyey 13 kursi oo dheeraad ah oo Gobolka Banaadir laga siinaayo Aqalka sare ee Federaalka Somaaliyeed.

Ansixinta Madaxweyne Farmaajo kuraasta Gobolka Banaadir maanta oo ah 28.01.2021 oo mudda xileedkiisii ayaamo tirsan uga harsan yihiin ayaa ah mid Madaxweyanuhu uu ku doonaayo inuu qoorto isu galiyo oo xasaasiyada qabiil iyo loolan siyaasadeed oo hor leh uga abuuro Beelaha Somaaliyeed ee Mogadishu Clan iyo Daarood.

Talaabada fawdada iyo colaad abuurka ah ee Farmaajo maanta qaadaay ayaa ku soo aaday wakhti saaka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ee Somaliya Mudane Jemes Swan uu soo dhaweeyey baaqii Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in laysgu yimaado kulan deg deg ah oo xal loogu raadinaayo ismari waaga ka jira hawlaha dardargelinta doorashooyinka, iyadoo sidoo kale mudane Jemes Swan soo dhaweeyey soo gudbinta xubnaha gudiga doorashooyinka ee Maamul goboleedada Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa nasiib daro ah in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo og culeysayada siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka ka jira inuu hadna bilaabay, isagoo ku jira maalmihii ugu danbeeyey mudo xileedkiisa kicin iyo iska horkeen qabaa’ilka Somaaliyeed ee Mogadishu Clan iyo Daarood isagoo halkaas ka raadinaaya ayaamo kale oo cimri dherer ah.

Talaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa dib shacbiga somaaliyeed u xusuusinaysa talaabooyinkii jar iska xoornimada ahaa ee hogaamiyihii hore ee kacaanka Generaal Maxamed Siyaad Barre uu qaaday maalmihii ugu danbeysay xukunkiisa, markii uu garwaaqasaday in wakhtugisii dhamaaday, talaabooyinkaas oo ka mid ahaa in uu hubkii iyo saanadii ciidanka qalabka sida uu xaruma Villa Somalia, shirka offishaal iyo Xalane uu ugu qeybiyey Dad Shacbi ah oo ka soo jeeda Beesha Daarood, si ay kacdoonka shacbiga ee rijiimkiisa looga soo horjeedo ugu bedelaan dagaal qabiil oo u dhaxeeye Beelaha Somaaliyeed ee Mogadishu Clan iyo Daarood, taas oo uu ku guuleystay ujeedadii uu ka lahaa Dalkiina degi la’ yahay mudo 30 sano.

Shacbiga somaaliyeed siiba Beelaha Daarood iyo Mogadishu Clan waxaa la gudboon in laga taxadaro dabinadaa iyo iska horkeenkaa iyo colaada qabiil ee uu abaabulayo Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

The post Breaking News : – M/weyne Farmaajo oo ku jira Rafashadiisii ugu danbeysay iyo isagoo bilaabay isku horkeen qabiil Mogadishu Clan Vs Daarood appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this