Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii ka hortegay dagaalkii Beledxaawo oo la dalacsiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Framaajo ayaa  min hal darajo dalacsiiyay ciidamadii jilbaha u aasay duulaankii Jabhadda falaagada iyo ciidamada Kenya  oo is garabsanaya ay ku soo qaadeen degmada Beladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Difaaca, Cadaaladda iyo Saraakiil ciidan ayaa markii ay gaareen Degmada Beladxaawo gaarsiiyay ciidamada fariintii ay u wadeen, oo ahayd in min hal darajo la dalacsiiyay.

Ujeedka socdaalka wafdigaan ay ku tageen Beledxaawo ayaa ah u kuur gelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, la kulanka maamulka iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Beladxaawo, waxaana ay kormeer ku sameen doonaan aagga hore ee ay ciidanka ku suganyihiin iyo goobta lagu hayo maxaabiistii ay ciidamada ku soo qabteen duulaankii lagu jabiyay Cadawga Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this