Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo ku Jahawareer tay Siyaasadii Dibada Dalka, shalay Kenya, Maanta Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii Gudigii IGAD Ee Xaqiiq raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ay dhalay soo saareen Warbixin ay ku dheegeen inuusan jirin Eedeynta Soomaaliya ay eedeysay Kenya ayaa hada waxaa eedii loo wareejiyey dhinaca Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Cusmaan Dube ayaa maanta Jabuuti ku eedeeyey inay Xaqiiqda qarinayaa oo ay la safteen Kenya, Waa markii u horaysay taariikhda oo Xukuumad Soomaaliyeed ay eedeydo Jabuuti oo ah qayb kamida Soomaaliweyn.

Wasiirku wuxuu sheegay in Jabuuti sy dulmidey Soomaaliya ayna Si dadban Kenya u siiyeen gacan ay ku leeyihiin Faragaliya Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka oo u muuqda Fariin uu Dad gaara la hadlayo wuxuu sheegey in Soomaaliya ay abaal weyn u gashay Jabuuti xiligii Xoriyada, Abaalkaasna ay noogu gudeen iney Kenya la saftaan.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo ku Jahawareer tay Siyaasadii Dibada Dalka, shalay Kenya, Maanta Jabuuti appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this