Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Sharuud Adag Ku Xidhay Wada-hadal Ay La Yeelato SUUDAAN Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa mar kale ku celisay in Suudan ay kusoo xad-gudubtay dhulkeeda, iyadoo shuruud uga dhigtay wada-hadal ay la gasho Sudan inay dib uga laabato dhulalka lagu muransan yahay ee ay ciidammadeedu joogeen tan iyo dabayaaqadii sannadkii hore.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada xaajood kasta oo laga galayo xiisada kala dhaxeysa Suudan ay ka horreyso inay ciidammadeeda la baxdo.

Mufti ayaa ku doodaya in Suudan ay kusoo xad-gudubtay dhulka Itoobiya, halka midaasi bedelkeeda ay ku andacooneyso Suudan, kuwaasi oo isku haya dhul beeraha hodanka ku ah oo lagu magacaabo Al-Fashqa.

Afhayeenka ayaa xusay in ayna Itoobiya diidaneyn in wada-hadal la gasho Suudan, balse ay rabto inay dib uga laabato dhulkeeda oo ay ku soo xad-gudubtay, sida uu hadalka  u dhigay.

“Itoobiya waxaa ka go’an inay xal nabadeed ka gaadho khilaafaadka xuduudaha ee kala dhexeeya Suudaan,” ayuu warbaahinta u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo diblumaasiyadeed oo ay ku rabtay in ciidamada Suudan looga saaro aaga lagu muransan yahay ee Al-Fashqa, mana jirto jawaab kasoo yeedhay hoggaamiyeyaasha millateriga Suudan oo ku aadan baaqa ah “inay ka baxaan dhulkaas”.

Suudan ayaa iyadu lasoo warinayaa inay ciidamadeedu dhaqaaqeen ilaa 40-KM (25-mayl) dhulalkii ay Itoobiya haysatay, xiligii ay xukuumada Abiy ku howlaneyd howl-galkii millateri ee TPLF.

Muranka dhuleed ee Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo uu sarre u kacay dabayaaqadii sanadkii hore, kadib markii ciidamada Suudan ay xoog ku qabsadeen dhulka lagu muransan yahay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this