Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghaye Jamaal Xaashi “Waxaan Kulan Is Xog Waraysi Iyo Wadashaqeyn La Yeeshay Wasiir Xamse Saciid Xamse”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Xiriirka Xariga Ka Boodka Soomaaliya mudane Jamaal Xaashi Tuure ayaa kulan la qaatay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse,waxayna labada dhinac kawada hadleen arriimo badan oo ku aadan horomarinta iyo kor u qaadida ciyaaraha Soomaaliya,wuxuuna Wasiir Xamse Saciid balan qaaday in uu diyaar u yahay soo dhaweynta bahda isboortiga meel kasta ay ka joogaan Soomaaliya.

Screenshot-2021-01-26-at-15.59.42-1024x7

“Waxaa xafiiskiisa igu qaabilay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse,waxaana kawada hadal arrimaha badan oo ku aadan horomarinta isboortiga Soomaaliya,wuxuuna Wasiir Xamse balan qaaday in uu diyaar u yahay dhagaysiga bahda isboortiga dalka ee kala joogta gudaha iyo dibada” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Jamaal Xaashi Tuure oo ah Xoghayaha Xiriirka Xariga Ka Boodka Soomaaliya.

Screenshot-2021-01-26-at-15.59.15-849x10

“Albaabada xafiiskayga waxa ay u furanyihiin dhamaan bahda isboortiga Soomaaliya iyo qof kasta oo doonaya horomarinta ciyaaraha dalkeena,kulankan wuxuu qeyb ka yahay kulamada aan la yeesho saaxiibada iyo madaxda isboortiga dalka”ayuu isna Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse.

Screenshot-2021-01-26-at-15.59.32-1024x7

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Wasiir Xamse

Ciyaaryahan Salaad Shiino “Wasiir Xamse Saciid Way Ka Go’antahay Horomarinta Isboortiga Soomaaliya”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this