Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda Somalia & kenya+Xukumada Farmaajo oo labo shuruudood ku xidhay  Jaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisadda Somalia & kenya+Xukumada Farmaajo oo labo shuruudood ku xidhay  Jaadka Kenya

.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sharraxay sida kaliya ee ay dowladda Soomaaliya ku oggoshahay in Qaadka lagu soo galiyo, isagoo beeniyay warar kale oo la la isla dhex marayay.

Ganacsiga jaadka ayaa in muddo ahba xayirnaa, hase yeeshee waxaa soo baxayay cabashooyin ku aaddan in dad gaar ah ay dhoofiyaan ama uu u xiran yahay ganacsigaas.

Bale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay qodobka la xiriira dadka sida gaarka ah u heysta ganacsiga jaadka wuxuuna sheegay in xukuumadda federaalka ay ka go’an tahay in aysan aqbalin “siyaabaha aan sharciga waafaqsaneyn ee jaadka lagu geeyo Soomaaliya”.

Dhanka kale waxaa jirtay cabasho xoog leh oo ku aaddan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay joojinta qaadka, iyadoo laga deyrinayay xaaladda dad badan oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd ganacsiga jaadka.

Ugu horreyn wuxuu wasiir Beyle meesha ka saaray in jaadka ay dad gaar ah soo dhoofsadaan.

“Arrinta jaadka oo maalmahan hadal-heynteedu soo xoogeysaneysay oo la leeyahay jaadku cid buu u xidhan yahay, dad badan oo cabanaya ayaan baraha bulshada ka dhageystay. Waxaan doonayaa inaan soo afjaro hadalkaas, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan jaadku cidna u xidhneyn,” ayuu yidhi Bayle.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in labo shuruud lagu xirayo qof walba oo doonaya inuu qaad dalka soo galiyo.

“Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa, wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen.”

“Arrinta kale waa in aadan soo qarinin. Waa inaad tiraahdo jaad baan sitaa, diyaaraddu waa inay dhahdo jaad baan wadaa, cid walbana ogaato inay jaad siddo. Sidaas darteed waa in ay ugu talagasho canshuurtiisa iyo arrimihiisa, kaddibna la canshuuro.”

Qof walba oo ka soo baxa shuruudaha ruqsadda iyo canshuur bixinta, ayuu wasiirku sheegay in sidii uu qaadka u keeni karo sidii uu jecel yahay.

Tan iyo markii la xayiray dhoofinta qaadkii tagi jiray Soomaaliya, waxaa soo baxayay cabashooyin la xiriira in ay saameyn baaxad leh ku yeelatay dadkii ku tiirsanaa ganacsigaas ee nolol maalmeedkooda kasoo saari jiray.

Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa sidaas looga hakiyay shaqadoodii mashquulka badneyd ee ay maalin walba ku howlanaayeen.

 

Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah
Jaadka waxaa ku tiirsan dad badan oo Soomaali ah

Dhanka Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha ay saameysay xayiraadda jaadka. Dhanka Kenya ayaa sidoo kale laga soo tabiyay walaac noocaas ah.

Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.

Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in markii la joojiyay ganacsiga dhanka Soomaaliya aadi jiray ay shaqo la’aan soo food saartay.

Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay BBC-da u sheegay in xilliga uu qaadka xayirnaa ay maalin walba ay khasaarayeen lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama uusan jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya u diri jireen.

“Markii dowladda Soomaaliya ay qaadday xayiraaddii saarneyd badeecooyinka la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun oo doolar maalintiiba, qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaaray arrintaas, maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto,” ayuu yidhi.

Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this