Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya Oo Ka Digtay Warar Laga Faafiyay Caafimaadka Abiy Ahmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ayna waxba ka jirin warar saacadihii ugu dambeeyay qabsaday baraha bulshada oo ka la xidhiidhay caafimaadka Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo la sheegay in ay uu aad u liito.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa shacabka looga digay in ay rumeystaan wararka noocaas ah oo ay ku tilmaameen kuwo aan waxba ka jirin.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay warar iyo sawirro ka hadlaya caafimaadka Abiy Ahmed oo lagu sheegay in uu liito.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed” ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay barta Facebook.

Laakiin qoraalka laguma sheegin faah faahin intaa dhaafsiisan oo la xidhiidha xaalada Ra’iisal Wasaaraha

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this