Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo: In Ka Badan 10 Qof Oo ku Dhimatay Dagaalka Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahino hor leh ayaa ka soo baxaya dagaalka magaalada Beledxawo ayaa sheegay in daagaalka ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo ay ku jiraan 5 caruur ah iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararka ay Goobjoog News  ka heleyso magaalada ayaa sheegaya in ay geeriyoodeen Shan caruur ah kadib markii guri ay daganaayeen uu ku habsday Hoobiye, sidoo kale ay ku dhaawacantay Hooyada Carruurtaas.

Taliye ku xigeenkii saldhiga baladxaawo Xidigle maxamed cabdi ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu ku dhintay dagaalka isago iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Sikastaba Magaalada ayaa waxaa ka go’aan isgaarsiinta taas oo adkeeyneysa in la ehelo xogta khasaara dagaalka, wararka inaga soo gaaraya ayaa sheegaya in khasaaruhuu uu intaas ka badan yahay .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this