Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Hore Isku Casilay Oo Mar Kale La Magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kuwayt)-Amiirka dalka Kuwayt ayaa  mar kale raysal wasaare u magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid

Amiirka dalka Kuwayt Nawaaf Al-Axmad Al-Jaabir ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu magacaabay Raysal wasaaraha dalkaas Shiikh Sabaax Al-Khaalid Al-xamad Al-Sabaax.

Wakaaladda wararka ee Kuwayt ayaa sheegtay in wareegto ka soo baxday xafiiska amiirka dalkaas lagu magacaabay Shiikh Sabaax Al-Khaalid.

Raysal wasaasraha la magacaabay ayaa la amaray inuu so xulo golo wasiirro oo tayo leh kuwaas oo dalka ku hoggaamin kara horumar .

Amiirka dalka Kuwayt ayaa hore u aqbalay iscasilaadda xukuumaddii hore isagoo ka codsady inay xilka sii hayaan inta laga soo dhisaayo xukumad cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this