Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dubbe oo shaaciyey in 100 maxaabiis ah lagu qabtay dagaalkii Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’iid u qabtay wariyeyaasha ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii cuslaa ee xalay illaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo.

Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan xadka ay soo weerareen maleeshiyaad falaago ah iyo ciidamada difaaca Kenya oo wada socda, balse ay iska difaaceen, isaga oo sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga adkaaday falaagada ay soo abaabushay Kenya iyo ciidanka shisheeye ee duulaanka ku soo qaaday Beledxaawo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ugu dambeyn falaagadii iyo ciidamada shisheeye ee la socday waxaan ugu bishaareynayaa shacabka Soomaaliyeed in laga adkaaday,” ayuu yiri wasiirku.

Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ku dhowaad oo 100 askari oo ka tirsan jabhadda weerarka soo qaatay lagu qabtay dagaalka Beledxaawo, isaga oo shaaciyey in aysan soo bandhigi karin, maadaama ay yihiin wiilal Soomaaliyeed oo la qalday.

“Waan jeclaa in halkan aan ku soo bandhigno jabka gaaray iyo maxaabiista la qabtay oo ku dhow 100, laakiin wiilasha lasoo adeejiyey waa wiilasheenii oo la soo dhiibay qoryaha aan dhaceyn,” ayuu sii raaciyey wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Somalia.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in duulaanka lagu soo qaaday ciidanka Xoogga dalka ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah, islamarkaana hoobiyeyaal iyo madaafiic uu sheegay in dalal shisheeye ay soo siyeen falaagada ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihin dad rayid ah, wuxuuna xaqiijiyey dhimashada 5 caruur iyo hooyadood.

Xaaladda Beledxaawo ayaa hadda yare degan, balse waxaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaan duleedka magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this