Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
20210123_122929.jpg?resize=720%2C637&sslGaariga qaraxa lala eegtay

Inta la xaqiijiyay afar askari oo ilaalada u ahayd nabadoon caan ah ayaa ku geeriyootay qarax maanta oo Sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay wadada Beexaani oo kala qeybisa degmooyinka Karaan iyo Shibin, waxaana lala eegtay gaari uu saarnaa Muxiyadiin Xasan Afrax oo ah kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ku dhaawacmay weerarkaas oo ay ku dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ku oo badanayay qaraxyo iyo dilal lala beegsanayay mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee rayidka.

PUNTLAND POST

The post Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this