Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Hodan oo maanta la aasay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1611326383582.jpg?resize=721%2C48

Waxaa maanta oo Jamce ah la aasay guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaganuun oo habeen ka hor la dilay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan heer Federaal iyo Gobolka ayaa ka qeyb galay aaska.

Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha xarunta degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

FB_IMG_1611326456574.jpg?resize=720%2C48

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Marxuum Cabdixakiim Dhagajuun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii firdowso ka waraabiyo.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo hadal ka jeediyay aaska ayaa sheegay in dadkii ku lug lahaa dilka Cabdixakiin Dhagajuun la qabtay, marka laga reebo hal qof oo sida uu sheegay lagu raadjoogo.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Hodan oo maanta la aasay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this