Jacaylbaro Posted April 2, 2007 Ceerigaabo (Qarannews) 86 sano kaddib ayaa mar kale dib loo degey degaanka Waqderya oo ka tirsan xeebta badda cas ee gobolka Sanaag halkaas oo jahada bari 90-km ka xigta magaalada xeebta ee Maydh sidoo kalena 45-km jahada galbeed ka xigta magaalada kale ee xeebta ee Laas-qoray iyadoo sidoo kalena Waqderia ka mid ahayd xeebihii ugu horreeyey ee ay kazoo bilaabantay ilbaxnimada dadkii loo yiqiin reer Maakhir-cosat waxana halkaas ku taalla daar ka samaysan dhismaha Labanka oo la dhisay qiyaastii 1780 – 1800 kana koobnayd afar dabaq oo is kor saaran oo mid kastaana ka koobnaa siddee albaab dhismaha daartaas oo weli qayb ka mid ahi sii taagantahay kaddib markii daartaas qaybo ka mid ah lagu dumiyey dagaallo sokeeye oo xilliyadaas halkaas ka dhacay. Haddaba muddadaas boqolka sano ku dhow oo bulshadii ku noolaan jirtey degaanka xeebahaas ay ku dhaceen isbeddello badani xag taariikheed xag aqooneed iyo hab-dhaqankaba ayaad mooddaa waqtigan in loo soo jeestey degaankii ku tiirsanaan jirey khayraadka badda iyo xeebaha taas oo la odhan karo waxa bulshadu dareemeen muddada intaas le’eg in aanay gaadhin horumar u dhigma kii laga gaadhi lahaa badda iyo xeebaha Maakhir-coast. "Waqderya waxay ka mid tahay magaalooyinkii Somaliland/Somaliya ee ugu horreeyey ee laga aasaasay xeebaha loo yiqiin Maakhir-coast waxana la aasaasay 1780 – 1800 xilliyadaas oo fooqyadaas aad hadhaagooda arkaysid laga dhisay waxayna xidhiidh la yeelatay Shaam iyo Yaman iyo India haseyeeshee dagaallo kala danbeeyey oo ay ka mid ahaayeen Baandadii Seyidkii iyo Talyaanigii (dagaalkii 2-aad) ayaa sababay waqtiyadii ugu danbeeyey in laga bara- kaco". Sidaas waxa yidhi caaqil Cismaan Faarax xaammud oo dhowaan mar aan safar kooban ku tegey meelo kamid ah xeebta badda cas aan kula kulmay halkaas. Isagoo caaqilkaasi ka hadlaya degaankan cusub ee halkaas dib looga abuurayna wuxu intaas kusii daray "Iyadoo sida aad arkaysid xilligan aannu dib u degnay halkan islamarkaasna aannu filayno in ay sidii hore si ka qanaangaadhsan u cammirmi doonto cid kasta oo maal gashanaysa Waqderya iyo dawlada Somalilandba waannu kusoo dhowaynaynaa xukuumaddana waxannu ka codsanaynaa in ay fursadan cusub ka faa’iidaysat oo wax nagu darsato oo nagala qayb qaadato sidii degsiimadani u noqon lahayd mid sii jiri karta xag dhaqaale iyo xag maammul intaba". Dhinaca kalena raadadka ilbaxnimo ee waqtiyadii hore halkaas ka jirey ayaa waxad arki kartaa in lagu beeri jirey waxyaabaha ay ka mid tahay Timirta oo weli qaarkeed kusii yaallo Tufaaxa Xabxabka iyo xataa Bariiska oo isaguna ku beermi kara cimiladaas iyadoo sidoo kalena degaankaas ay ku yaalliin goobo taariikhi oo laga heli karo raadadkii ama aasaartii ummadihii hore ee kusoo noolaan jirey dhulkaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Crystal_Clear Posted April 2, 2007 Nice Place Jeclo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2007 Time to visit the place ,,,,,,,,,, i have to arrange for a trip now ,, i can't miss this Quote Share this post Link to post Share on other sites