Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Guddoomiyihii degmada Hodan oo maanta lagu aasayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socdo magaalada Muqdisho lagu aasi doonaa meydka guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo habeen ka hor lagu dilay gudaha caasimadda.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan ka socota degmada Hodan, iyada oo lagu aasayo isla xarunta degmadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, duqa magaalada Muqdisho, ehellada marxuumka iyo dadweyne kale.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka qaar ee degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa weli socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilka guddoomiyaha oo loo xiray askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, wuxuuna marka la dilayey saacado, ka hor ka soo laabtay dalka Turkiga oo dhaawac ahaan loogu qaaday, kadib markii ay waxyeelo ka soo gaartay miino lagula eegtay magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this