Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii degmada Hodan oo lagu aasay Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan heer Federaal iyo Gobolka ayaa ka qeyb galay Aaska Allaha u naxriiste Guddoomiyihii Degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

141990195_2794835177421890_1939562135512714907_n 140870026_2794835250755216_7253457603253638115_n 141441520_2794835394088535_5820514113509126579_n 141510992_2794835737421834_1556049522972841394_n 141604707_2794835210755220_2655667914146741620_n 141787292_2794835907421817_6665589437948650466_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this