Sign in to follow this  
Deeq A.

Ila qosol : – Farmaajo oo sidii Siyaad Bare Muqdisho ku soo uruursaday Afmiisharadii iyo Qaaqlayaashi Daarood iyo Majaeerteen sida Xarago iyo Cali Daacuun xilalna u magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cali Daacuun lataliyaha iyo Saaxiibka Madaxweyne Farmaajo

Dhaqankii foosha xumaa ee taliskii Askarta ee uu hogaamin jiray Allaah ha u naxariistee General Siyaad Barre ayaa waxaa ka mid ah in bulshada laga soo xusho oo si xun loo adeegsado shaqsiyaadka ugu damiirka iyo dadnimada xun, in la magac dilo shaqsiyaadka sharafta iyo mudnaanta ku leh shacbiga somaaliyeed ee Birimageedyada ah, in la burburiyo dhaqanka iyo madax-dhaqameedka soo jireenka ah ee Beelaha Somaaliyeed, isla markaana laga garab abuur oo cumaamad Isin loo xiro, loona dalacsiiyo, iyadoo oo loogu yeeraayo Suldaan, ugaas, malaaq iyo Imaam xubno Guulwadayaal ah oo ka mida ahaa Jaajusiintii hayadii xaaranta aheyd ee Nabasugida.

  • Screenshot_20210120-203332_Samsung-Inter
Maxamed Cabdi Yusuf iyo Golaha Isimada Daarood ee Muqdisho

Nasiib daro maanta oo ah 2021 Madaxweynaha wakhtigu ka sii dhamaanyo ee Farmaajo waxa uu dib u soo celiyey dhaqankaas foosha xumaa ee lagu yaqaanay Xukumadii Siyaad Barre, waxaanu qaylo dhaan u dirsaday oo Magaalada Muqdishu ku soo urursaday dhamaan Afmiinsharadii iyo Qaaqalayaashii Beelaha Daarood iyo kuwa Majaeerteen si ay uga saacidaan durbaanka cusub ee hadda ay garaacyaan Cayayaanka Baraha Bulshada ( CBB ) ee ah Difaaca iyo Taageerada Madaxweeynaha Daarood ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

WAA LA DOOGIYO YAAN LA DACAROON ( Farmaajo wuu tegayaaye ha la xishoodo)

Waxaa maalin walba warbaahinta Qaranka soo bandhigtaa oo laga fiirsadaa Madaxweyne Farmaajo oo ku mashquulsan la kulanka iyo qaabilaada shakhsiyaad loogu yeeraayo Madax-dhaqameed Daarood oo ka soo jeeda Jubbaland, Puntland iyo xitaa kuwa ka yimaada Qurbaha, lakiin nasiib daro markaad shakhsiyaadaas si sax ah u fiiriso waxaa kuu soo baxaya in ay yihiin Qawleysto ka kooban Afmiinshaaro iyo Qaaqlayaal uu Farmaajo dalacsiiyey si ay fidno uga abuuraan iyo iska horkeen uga abuuraan guud ahaan shacbiga somaaliyeed iyo gaar ahaan degaanada ay sheganayaan in ay ka soo jeedaan.

QEYBI OO XUKUN.

Kani waa mid ka mid Shakhsiyaadka ka soo jeeda Puntland ee Xamar jooga oo maanta Farmaajo u magacaabay xil dhalanteed iyo shaaciro ah isagoo degan Hotel Muqdishu ku yaal.

Gudoomiyaha Golaha Nabadoonada Somaaliyeed

IMG-20210120-WA0003-800x457.jpg

Halkan ka dhageyso Madaxweyne Farmaajo iyo Hawenay ka mid ah lataliyayaashiisa oo lagu magacaabo Maryan Curuuba oo ku mashquulsan iska horkeenka Beelaha Puntland.

PUNTLANDI

GAROOWE

The post Ila qosol : – Farmaajo oo sidii Siyaad Bare Muqdisho ku soo uruursaday Afmiisharadii iyo Qaaqlayaashi Daarood iyo Majaeerteen sida Xarago iyo Cali Daacuun xilalna u magacaabay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this