Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shirkaddo Laga Leeyahay Canada Iyo Holland Oo Dalaabaad U Soo Diray Xukuumadda, Kaddib Markii Ay Ku Qanceen Nabad-gelyada Ka Jirta Somaliland…” Somaliland Oo Kalsooni Caalami Ah Ku Kasbatay Howlgal Ka Fuli Waayey Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay salka u dhigtay Dawladnimadeeda, taabana gelisay nabad-gelyo, nidaam siyaasaddeed oo daah-furan iyo maamul kala dambeyn leh, waxa ay sanadba sanadka xiga, maalinba maalinta xigta iyo subax kasta oo berya warkeeda iyo wacaasheedu gaadhayaan meel kamida dunida geeska Afrika u taqaana hoyga dagaallada Sokeeye, faracyada Argagixisada iyo saboolnimada.

Dawladdo badan oo caalamka ah waxa ay ku kasbatay nidaamka Dawladnimo iyo doorashooyinka dimuquraadiga ah ee ka hirgelay waddan da’ yar oo ay hareerraha ka kullalayaan dalal ay hadheeyeen colaado iyo nidaamyo qalafsan oo aan wali u bislaan heerka ay Somaliland ka gaadhay tartanka xorta ah iyo isbedellada hogaaminta ku timaada codbixinta dadweynaha.

Jamhuuriyada Somaliland, waxyaabaha kale ee ay ku soo jiidatay indhaha iyo doonista daneeyayaasha dunida horumarinta, waxa kamid ah nabad-gelyada iyo khayraadka dihin ee ku duuggan dhulkeeda.

laga soo bilaabo 1991-kii ilaa maanta oo la marayo 2021, iyadoo uu dalkani maalinba fig ka gudbayey , kuna guulaystay in uu caalamka qaybo badan oo kamid ah la yeesho saaxiibtinimo siyaasaddeed, iskaashi dhaqaale iyo gaashaan-buuraysi diblomaasiyaddeed, haddana waxa xaqiiqo ah in ay wali jiraan Dad, Shirkaddo Ganacsi iyo dawladdo kooban oo u haysta amma dhici karta in ay aaminsan yihiin in saameyn ay ku yeeshaan Somaliland mushkiladaha amni-xumo, dawlad la’aaneed iyo argagaixisada isu barkan dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya, sababta sii noolaanshiyaha fikirkaasina waa mid siyaabo kala duwan loo nisbayn karo.

Hase yeeshee waxa cid kasta oo dareenka noocaas ah qabtaa waxa ay runta ogaataa, marka ay soo cago-dhigato Somaliland ee u kuurgasho degenaanshiyaha dhinac walba leh ee ka jira, waxaanay ajaanibka fikirkoodu isku bedello xaqiiqo-raadinta ay ka sameeyaan gudaha Somaliland, marka dambe noqdaan kuwa ugu hadal haynta badan arrinta mucjisada ah ee ku saabsan, sida uu Waddan deriskiisu holcayaa isaga xakameeyey in aanay ku soo hullaaqin dadkiisa iyo dalkiisa dhibaatada ku gedaamani.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo Isniintii todobaadkan Warbixin siinayey guddi-hoosaadka Golaha Guurtida, ayaa sheegay in diyaarado loogu talo galay in ay Dawladda Somaliland ka caawiyaan howlgalladii la-dagaalanka Ayaxu muddo bil iyo dheeraad ah diidanaayeen in ay dalka yimaadaan, sababo la xidhiidha shaki ay ka qabaan nabad-gelyada darteed, Halkan hoose ka DAAWO Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo arrimahan ka hadlaya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this