Sign in to follow this  
Deeq A.

“Duqa Hargeysow, Dadka Reer Hargeysa Waxa Ay Ku Siiyeen Fursad Weyn Oo Aad Aakhiradaada Iyo Aduunkaagaba Ku Dhisto…” Xoghayaha Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Duqa Hargeysow, dadka reer Hargeysa waxa ay ku siiyeen fursad weyn oo aad aakhiradaada iyo aduunkaagaba ku dhisto. Waxaa laguu dhiibay wixii Caasimadda Hargeysa ay wada lahayd oo dhan, waxa aad haysatay fursad aad ugu adeegto, fursad aad mustaqbal ifaya oo siyaasiya ku dhisto, fursad aad dunida ugu soo bandhigto quruxda iyo wanaagga caasimadda Hargeysa & dadkeedu leeyihiin.

Waxa aan se ka xumahay in aanad fursaddaas ka faa’iidaysan, waan ka xumahay in Hargeysa waddo xumo, nadaafad xumo, caddaalad darro, maamul xumo & daryeel la’aan ay la ooyayso, Hargeysa heeso madax looguma noqon karo ee waxaa madax loogu noqon karaa karti, hufnaan, daacadnimo iyo hawl karnimo.

Hoboladda Nimco Dareen way ku mahadsantahay in ay garawsatay in ay Hargeysa oo basteed ah ay ku soo dhex dhacday iyada oo aan xog hayn. Garowshiiyuhuna waa geesinimo.

W/Q Xoghayaha Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this