Paragon Posted January 26, 2004 “Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad. ABWAAN XASAN JACAYL:- “waxaa jira 7-Jacayl” Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala ah:- 1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”. 2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”. 3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”. 4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”. 5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”. 6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun. Source: Aayaha Nolosha Magazine - Codka Mucaashaqiinta! Quote Share this post Link to post Share on other sites