Sign in to follow this  
RedSea

Dhibta haysata dadka Somaliyeed: Gabay and more...

Recommended Posts

RedSea   

Xisaab qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 

Mohamed_ebar@hotmail.com

 

 

Our poeple, dal dad waayey iyo dad dal waayey:

 

Duqeyn.jpg

 

Our enemy is determined to make us eveporate right out of the history books.

 

 

Nin Soomaaliyeed oo yaabban ayaa laga hayaa “Warkii hore war soo dhaafyoo waayeel qolof lahaa yimideey !!” Wallee maanta warkii hore war soo dhaaf. Xitaa xoolihii waa argagixiso, waana in la dabarjaro oo diyaarado lagu duqeeyo, walibana loo adeegsado hub casri ah oo aan waxba hambeyneynin, AC -130 !!!

 

 

 

Waxaa maanta cadaatay in Gaashaanbuur aan arxan laheyni ay ku soo duushay shacabkii Soomaaliyeed, lagana soo weeraray cirka, dhulka iyo baddaba. Waxaa maanta nalagu duqeynayaa hubka ugu casrisan caalamka ee wax gumaada, kasoo lagaba yaabo in qaarkiis uu adeegsigiisu adduunka mamnuuc ka yahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, waxaa lagu xasuuqay degaanno ka mid ah J/Hoose dad boqollaal gaaraya, dhaawaca iyo burburka hantiyeedna Alle-Weyne ayaa loo sheegtaa. Waxaan nahay looma ooyeyaal !! Caalamka laba Cali oo waxa na haysta iska wareysanayaa ma jiraan, waase gar. Sababtoo ah, Soomaalidii ayaaba ka daman dareenka jira iyo dabargoynta lagu hayo. Waxaa taas ka sii daran in ay jiraan qaar ku faraxsan oo u mashxaradaya xasuuqa socda, una hambalyeynaya oo u mudaaharaadaya cadowyadii falalkaas argagaxa leh geystay.

 

 

 

 

 

 

Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee dad dhulkooda loo quuri waayay la isku dayo in la dabarjaro, ka dibna dalkooda la dego. Arrinkaasi wuxuu dhacay marar badan, wuxuuna ka dhacay dhammaan qaaradaha adduunka. Waxaa kale oo aan iyaduna cusbeyn dagaal diimeed oo dunida ka dhaca. Waxaa markaa la dhihi karaa duullaanka qaawan ee Gaashaanbuurta ay horkacayaan Mareykanka iyo Itoobiya waa dullaan maangal ah, dulmiba ha ahaadee!! Arrinkase la yaabka iyo amakaagga lihi waa in dad mas’uuliyiin Soomaaliyeed sheeganayaa ay eheladoodii ku soo hoggaamiyaan cadow ma naxe ah si loo xasuuqo! Kuwa kalena ay u mashxaradaan !

 

 

 

Gabaygaan Baroordiiqda ah ee Xisaab Qoran oo soo baxay 11/06/2007da, wuxuu ka curtay xasuuqa lagu hayo shacbiga Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa lagu dabarjarayo degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna soo baxay 11kii Jannaayo 2007da. Gabaygu, Wuxuu musiibada dhacday eeddeeda dusha ka saarayaa dadka Soomaaliyeed oo cudurka qabyaaladdu aafeeyay, asaagoodna ka reebay. “Laxiba shillalkey is dhigto ayaa lagu gowracaa” ayayna Soomaaliyi horay ugu maahmaahday. Waa hubaal in farsamaxumidii difaac iyo isdhexyaacii maamulkii maxkamaduhu uu door muhiim ah ku lahaa musiibada dhacday, wax badan oo wanaag kale ahba ha qabteene. Waa hubaal in ay bannaanaatay kaalintii indheergradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ay u muuqato in ay sahladeen khatarta halista ah ee ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxayse dhabtu tahay, in aafada ku dhacday maanta umaddeennii ay mas’uuliyaddeeda ugu culus qaadanayaan kooxahaan sida aan gabashada laheyn dadkii iyo dalkiiba u geliyay gacan gumeysi, waxayna kala yihiin:

 

 

 

 

 

Daagaal-oogeyaasha kala ah G/Sare C/laahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi oo sheegta Madaxweyaha iyo Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo dalka u soo horkacay ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal ah oo dadka u geystay dambiyo gumaad ah, diintiina ku tuntay .

 

 

Koox lagu sheego Xildhibaanno, oo iyagoo u xilanaya dufan aan badneyn, si toos ah iyo si dadbanba u ogolaaday in dalka uu shisheeye cadow ahi maamulo, siduu doonana ka yeelo. Waxay Qarannimadeennii qaaliga aheyd dhaafsadeen qado iyo qaad.

 

 

Koox Dulmi-taageerayaal ah, oo labadaan kooxood ee hore ku taageerta dulmiga iyo tacaddiga ay ku hayaan umaddooda, waxayna isugu jiraan kuwo dulmiga u taageeraya qabyaalad. Kuwo u taageeraya xildoon. Kuwo u taageeraya hunguri. Kuwo u taageeraya xaasidnimo iyo xiqdi iyo kuwo ujeeddooyin kale u taageera.

 

 

Kooxahaan ku eedeysan khiyaamada Qaran ayuu ka hadlayaa gabayga Xisaab Qoran, waana kan gabaygii ee akhris wanaagsan:.

 

 

 

Adduunyadan aan xasileyninee samada xiimeysa

 

Adduunyadan xalaashii yartahoy badatay xaaraantu

 

Adduunyadan xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto

 

Adduunyadan xumaantii gar tahay oo xaq lagu diimo

 

Aduunyadan ninkii Xaramka taga kuba xujoobaayo

 

Adduunyadan midkii reerka xada loo xadreynaayo

 

Adduunyadan xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka

 

Adduunyadan xadiidkii bir uu jebiyo xaabshaanku

 

Adduunyadan nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo

 

Adduunyadan Xabley iyo Injiri Xamar ka tookheyso

 

Inkastoo xurgufo hoose iyo xadgudbkeen keenay

 

Mar haddii Quraan iyo Xadiis xukuntan loo diiday

 

Dullinimo intaan kuwo xagjira u xiri leyn taajka

 

In xabaal la aadaa ka roon ku dhex xashaashkeede !!

 

 

 

Waa laga xanaaqaa gunnimoo wey xaraartahaye

 

Sida Gureygii xaqiraad nacee rabay xuquuqdiisa

 

Sayidkii xawaareynayee Xiinfaniin laliyay

 

Bashiirkii xanuunjiyay Smith ee xisaar geliyay

 

Xasankii Barsane joogayee xabsiga loo jiitay

 

Xalanihii xadgudub diidayee Xayle(1) samirsiiyay

 

Xarbigii Jabuutiyo wixii geesiyo xijaabtay

 

Iyo wixii xiddigo nuuri jiray xawda laga gooyay

 

Gobonnimo inaan xajisannaa noo xarrago roone

 

Mar haddiiba xaafaddii Muqdisho uu Tigree xulayo

 

Intii aan xarriir u gogli leyn xabashi soo duushay

 

Waa inaan Jihaad xaadirnaa lana xanjeertaaye

 

Waa inaan xag walba ka jilcinnoy xananka jiirane

 

Waa inaan xaluulasho galnaa xaskey ku dhuuntaane

 

Jidadkooda waa inaan xirnoy ku xabbisnaade

 

Xasharaadka waa inaan gubnaa xarunta tooda ahe

 

Waa inuu xanuunku ku batoy xummad hunqaacaane

 

Waa inaan xorownoy mar kale xowli cararaane

 

Xadka waa inaan dhaafinnoon xaaqno gabigoode!! ( Insha-Allaa).

 

 

 

Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya

 

Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye

 

Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota

 

Ee xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye

 

Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah

 

Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday

 

Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay

 

Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan

 

Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso

 

Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso

 

Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye !!

 

 

 

Xaqirnaan ammaan loo qabiyo xiqdi qof maangaab ah

 

Kuwey ceeb ku xoontaa jiroo xiiray sharaftiiye

 

Odaygaa xakaaraaya ee cidlo ku xuurtooday

 

Oo cadow inuu noo xirxiro noqotay xeeshiisu

 

Iyo gacal xasuuqaha kibraye afku xumbeynaayo

 

Oo xaashee xooluhuu daweyn ay xis dhaamaanba

 

Xujadeysan furiddeeda Karin xeebta gadiddeeda

 

In ujeedku xilahooda yahay xume in loo geysto

 

Xaqiiqdii waxay moogyihiin xarfadda khayrkoode

 

Haddey xikmad in uun leeyihiin xodxod ma yeeleene

 

Xornimadeennii qaaliga ahayd xanjo ma siisteene

 

Xiisuu Tadhase noo qabaa xubbi ma sheegeene

 

Xulufadey dhulkii soo gasheen waxay xasuuqeyso

 

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

 

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

 

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

 

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

 

Xaq- u- dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

 

 

 

Kuwaa maanka laga soo xadeye xeradii Doofaarey

 

Xiisado damiirlaana iyo xaqdarro loo meershay

 

Nacabkuna uu noo soo xulee xaajadiis fuliya

 

Xubno rooni inkastoy jiraan xabbado kow labo ah

 

Xildhibbaano kii moodayow waa xis li’ idaaye

 

Haddey xeerinayaan dadnimo nama xaraasheene

 

Xaajiyaal ma dhoofsheen intey culimo xaabshaane

 

Xuseenkii xuduudaha inkirey ma xarrakoodeene

 

Waa kuwo xusuustood yartoo xaaran gabigoode

 

Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye

 

Waa kuwo is ximin iyo u nool iney xil gaadaane

 

Waa kuwuu jahligu badi xayiray oon xayi aheyne

 

Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !!

 

 

 

Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye

 

Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede

 

Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode

 

Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane

 

Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane

 

Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye

 

Xididkoodu waa kuwuu bukoo ka xoqan iimaane

 

Mar haddeysan lafaheenna xagan waa xamdi Ilaahe

 

Waxba yaysan xamxameyninoo u shirin xaynxeyne

 

Waxba yaysan xasillooni iyo nabadna xaaleyne

 

xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda

 

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

 

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

 

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

 

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

 

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!

 

 

 

Deriskoo xaqdhowr badan leh iyo xaafadaha jaarka

 

Xidid iyo haddii gacal u jiray la is xigaaleysto

 

Soomaali xeerkeedii iyo dhaqan xushmeyntiisii

 

Waxa jira *** soo xoorayoon xaajo ka lahayne

 

Kuwa nacabka soo xamaalayee sida ximaarkiis ah

 

Oo xaqiran xaqna aan lahayn iskana xayraansan

 

Beentuna xadaaradba u tahay xigasho huuhaa ah

 

Kuwo iney dhashoodii xasdaan u xusul duubaaya

 

Oo xijaabka dumarkii dhig loo xerada gaal aada

 

Kuwo fikirku xaflad qado ah iyo xeeradaba dhaafin

 

Oo xaanshiyaha lacag u qaboo baryo xabeebsanaya

 

Xalku kuwuu u daranyahay xareed lagu harraadbeelo

 

Taageerayaal xiiqsan iyo Xaarwalwaal badane

 

Kuwii xaawaleydii qataloo xalwadahow dhiibay

 

xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda

 

Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane

 

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

 

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

 

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

 

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

 

 

Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye

 

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

 

 

Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye

 

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

 

 

Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye

 

Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 

Delft, The Netherlands

E-mail: Mohamed_ebar@hotmail.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aisha   

you know.......................the picture says it all. I'm assuming this is an email. I would love to understand the words, even though it would probably just make me mad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this