RedSea Posted January 14, 2007 Xisaab qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah Inj. Maxamed Cali Cibaar Mohamed_ebar@hotmail.com Our poeple, dal dad waayey iyo dad dal waayey: Our enemy is determined to make us eveporate right out of the history books. Nin Soomaaliyeed oo yaabban ayaa laga hayaa “Warkii hore war soo dhaafyoo waayeel qolof lahaa yimideey !!” Wallee maanta warkii hore war soo dhaaf. Xitaa xoolihii waa argagixiso, waana in la dabarjaro oo diyaarado lagu duqeeyo, walibana loo adeegsado hub casri ah oo aan waxba hambeyneynin, AC -130 !!! Waxaa maanta cadaatay in Gaashaanbuur aan arxan laheyni ay ku soo duushay shacabkii Soomaaliyeed, lagana soo weeraray cirka, dhulka iyo baddaba. Waxaa maanta nalagu duqeynayaa hubka ugu casrisan caalamka ee wax gumaada, kasoo lagaba yaabo in qaarkiis uu adeegsigiisu adduunka mamnuuc ka yahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kaliya, waxaa lagu xasuuqay degaanno ka mid ah J/Hoose dad boqollaal gaaraya, dhaawaca iyo burburka hantiyeedna Alle-Weyne ayaa loo sheegtaa. Waxaan nahay looma ooyeyaal !! Caalamka laba Cali oo waxa na haysta iska wareysanayaa ma jiraan, waase gar. Sababtoo ah, Soomaalidii ayaaba ka daman dareenka jira iyo dabargoynta lagu hayo. Waxaa taas ka sii daran in ay jiraan qaar ku faraxsan oo u mashxaradaya xasuuqa socda, una hambalyeynaya oo u mudaaharaadaya cadowyadii falalkaas argagaxa leh geystay. Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee dad dhulkooda loo quuri waayay la isku dayo in la dabarjaro, ka dibna dalkooda la dego. Arrinkaasi wuxuu dhacay marar badan, wuxuuna ka dhacay dhammaan qaaradaha adduunka. Waxaa kale oo aan iyaduna cusbeyn dagaal diimeed oo dunida ka dhaca. Waxaa markaa la dhihi karaa duullaanka qaawan ee Gaashaanbuurta ay horkacayaan Mareykanka iyo Itoobiya waa dullaan maangal ah, dulmiba ha ahaadee!! Arrinkase la yaabka iyo amakaagga lihi waa in dad mas’uuliyiin Soomaaliyeed sheeganayaa ay eheladoodii ku soo hoggaamiyaan cadow ma naxe ah si loo xasuuqo! Kuwa kalena ay u mashxaradaan ! Gabaygaan Baroordiiqda ah ee Xisaab Qoran oo soo baxay 11/06/2007da, wuxuu ka curtay xasuuqa lagu hayo shacbiga Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa lagu dabarjarayo degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna soo baxay 11kii Jannaayo 2007da. Gabaygu, Wuxuu musiibada dhacday eeddeeda dusha ka saarayaa dadka Soomaaliyeed oo cudurka qabyaaladdu aafeeyay, asaagoodna ka reebay. “Laxiba shillalkey is dhigto ayaa lagu gowracaa” ayayna Soomaaliyi horay ugu maahmaahday. Waa hubaal in farsamaxumidii difaac iyo isdhexyaacii maamulkii maxkamaduhu uu door muhiim ah ku lahaa musiibada dhacday, wax badan oo wanaag kale ahba ha qabteene. Waa hubaal in ay bannaanaatay kaalintii indheergradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ay u muuqato in ay sahladeen khatarta halista ah ee ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxayse dhabtu tahay, in aafada ku dhacday maanta umaddeennii ay mas’uuliyaddeeda ugu culus qaadanayaan kooxahaan sida aan gabashada laheyn dadkii iyo dalkiiba u geliyay gacan gumeysi, waxayna kala yihiin: Daagaal-oogeyaasha kala ah G/Sare C/laahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi oo sheegta Madaxweyaha iyo Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo dalka u soo horkacay ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal ah oo dadka u geystay dambiyo gumaad ah, diintiina ku tuntay . Koox lagu sheego Xildhibaanno, oo iyagoo u xilanaya dufan aan badneyn, si toos ah iyo si dadbanba u ogolaaday in dalka uu shisheeye cadow ahi maamulo, siduu doonana ka yeelo. Waxay Qarannimadeennii qaaliga aheyd dhaafsadeen qado iyo qaad. Koox Dulmi-taageerayaal ah, oo labadaan kooxood ee hore ku taageerta dulmiga iyo tacaddiga ay ku hayaan umaddooda, waxayna isugu jiraan kuwo dulmiga u taageeraya qabyaalad. Kuwo u taageeraya xildoon. Kuwo u taageeraya hunguri. Kuwo u taageeraya xaasidnimo iyo xiqdi iyo kuwo ujeeddooyin kale u taageera. Kooxahaan ku eedeysan khiyaamada Qaran ayuu ka hadlayaa gabayga Xisaab Qoran, waana kan gabaygii ee akhris wanaagsan:. Adduunyadan aan xasileyninee samada xiimeysa Adduunyadan xalaashii yartahoy badatay xaaraantu Adduunyadan xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto Adduunyadan xumaantii gar tahay oo xaq lagu diimo Aduunyadan ninkii Xaramka taga kuba xujoobaayo Adduunyadan midkii reerka xada loo xadreynaayo Adduunyadan xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka Adduunyadan xadiidkii bir uu jebiyo xaabshaanku Adduunyadan nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo Adduunyadan Xabley iyo Injiri Xamar ka tookheyso Inkastoo xurgufo hoose iyo xadgudbkeen keenay Mar haddii Quraan iyo Xadiis xukuntan loo diiday Dullinimo intaan kuwo xagjira u xiri leyn taajka In xabaal la aadaa ka roon ku dhex xashaashkeede !! Waa laga xanaaqaa gunnimoo wey xaraartahaye Sida Gureygii xaqiraad nacee rabay xuquuqdiisa Sayidkii xawaareynayee Xiinfaniin laliyay Bashiirkii xanuunjiyay Smith ee xisaar geliyay Xasankii Barsane joogayee xabsiga loo jiitay Xalanihii xadgudub diidayee Xayle(1) samirsiiyay Xarbigii Jabuutiyo wixii geesiyo xijaabtay Iyo wixii xiddigo nuuri jiray xawda laga gooyay Gobonnimo inaan xajisannaa noo xarrago roone Mar haddiiba xaafaddii Muqdisho uu Tigree xulayo Intii aan xarriir u gogli leyn xabashi soo duushay Waa inaan Jihaad xaadirnaa lana xanjeertaaye Waa inaan xag walba ka jilcinnoy xananka jiirane Waa inaan xaluulasho galnaa xaskey ku dhuuntaane Jidadkooda waa inaan xirnoy ku xabbisnaade Xasharaadka waa inaan gubnaa xarunta tooda ahe Waa inuu xanuunku ku batoy xummad hunqaacaane Waa inaan xorownoy mar kale xowli cararaane Xadka waa inaan dhaafinnoon xaaqno gabigoode!! ( Insha-Allaa). Xuunshada sideedii qof cuna xaabka soo uraya Xayawaanno duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye Kan xaraarad hooggeen u qaba xasarad sii socota Ee xaseyso weli maal lahow xaasid baad tahaye Xaakada bukaannada ildaran xiito waayeel ah Xaamilada ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay Ubad xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan Xinjiraha qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso Yey kaa xargagin ee intaad xaabsatoo kariso Meydkooda xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye !! Xaqirnaan ammaan loo qabiyo xiqdi qof maangaab ah Kuwey ceeb ku xoontaa jiroo xiiray sharaftiiye Odaygaa xakaaraaya ee cidlo ku xuurtooday Oo cadow inuu noo xirxiro noqotay xeeshiisu Iyo gacal xasuuqaha kibraye afku xumbeynaayo Oo xaashee xooluhuu daweyn ay xis dhaamaanba Xujadeysan furiddeeda Karin xeebta gadiddeeda In ujeedku xilahooda yahay xume in loo geysto Xaqiiqdii waxay moogyihiin xarfadda khayrkoode Haddey xikmad in uun leeyihiin xodxod ma yeeleene Xornimadeennii qaaliga ahayd xanjo ma siisteene Xiisuu Tadhase noo qabaa xubbi ma sheegeene Xulufadey dhulkii soo gasheen waxay xasuuqeyso Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye Xaq- u- dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !! Kuwaa maanka laga soo xadeye xeradii Doofaarey Xiisado damiirlaana iyo xaqdarro loo meershay Nacabkuna uu noo soo xulee xaajadiis fuliya Xubno rooni inkastoy jiraan xabbado kow labo ah Xildhibbaano kii moodayow waa xis li’ idaaye Haddey xeerinayaan dadnimo nama xaraasheene Xaajiyaal ma dhoofsheen intey culimo xaabshaane Xuseenkii xuduudaha inkirey ma xarrakoodeene Waa kuwo xusuustood yartoo xaaran gabigoode Waa kuwo xafiis aan lahayn laga xog qaataaye Waa kuwo is ximin iyo u nool iney xil gaadaane Waa kuwuu jahligu badi xayiray oon xayi aheyne Waa kuwa xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !! Waa kuwo la xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye Waa kuwo u xaadiri yaqaan gunno xariifeede Waa kuwo xayaatada u jecel xamasho jaalkoode Xoogaa yar meeshey ka heli wow xaluushaane Shacabkoo xayeysiya ayay xayr la jabayaane Xalustey salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye Xididkoodu waa kuwuu bukoo ka xoqan iimaane Mar haddeysan lafaheenna xagan waa xamdi Ilaahe Waxba yaysan xamxameyninoo u shirin xaynxeyne Waxba yaysan xasillooni iyo nabadna xaaleyne xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !! Deriskoo xaqdhowr badan leh iyo xaafadaha jaarka Xidid iyo haddii gacal u jiray la is xigaaleysto Soomaali xeerkeedii iyo dhaqan xushmeyntiisii Waxa jira *** soo xoorayoon xaajo ka lahayne Kuwa nacabka soo xamaalayee sida ximaarkiis ah Oo xaqiran xaqna aan lahayn iskana xayraansan Beentuna xadaaradba u tahay xigasho huuhaa ah Kuwo iney dhashoodii xasdaan u xusul duubaaya Oo xijaabka dumarkii dhig loo xerada gaal aada Kuwo fikirku xaflad qado ah iyo xeeradaba dhaafin Oo xaanshiyaha lacag u qaboo baryo xabeebsanaya Xalku kuwuu u daranyahay xareed lagu harraadbeelo Taageerayaal xiiqsan iyo Xaarwalwaal badane Kuwii xaawaleydii qataloo xalwadahow dhiibay xulufadey dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda Iyo ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!! Mar buu Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!! Xarbigii dhamaa kii qabow xaalku waa waliye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!! Xeeladna Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye Xaq-u-dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!! -------------------------------------------------------------------------------- Inj. Maxamed Cali Cibaar Delft, The Netherlands E-mail: Mohamed_ebar@hotmail. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aisha Posted January 14, 2007 you know.......................the picture says it all. I'm assuming this is an email. I would love to understand the words, even though it would probably just make me mad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted January 14, 2007 The silence from the pro TFG camp is almost deafening! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 16, 2007 Inaa lilaahi Wa inaa Ilayhi raajicuun..Soomali sidaas ayaa udanbaysay,in lagu tuntu maanta.. Quote Share this post Link to post Share on other sites