Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa faah-faahin ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahooda dagaalka shalay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Africom ayaa sheegtay in duqeyntaasi oo ka dhacday agagaarka degmada Jamaame lagu dilay ugu yaraan saddex sarkaal oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Africom ayaa shaacisay in wax khasaare ah uusan weerarkaasi ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ka agdhowaan goobaha la duqeeyey.

“Duqeymahan waxaa lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan al-Shabaab oo ku lug lahaa fududeynta IED, tababar dagaal, iyo qorsheynta weerarrada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Ku dhufashada hoggaamiyayaashani waxay carqaladeyneysaa awoodda al-Shabaab ee ah inay weeraraan asxaabteena oo ay si aan kala sooc lahayn ugu laayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan qaraxyo macmal ah. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa saaxiibadeena Soomaaliyeed si aan u taageerno howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, ilaalinta dadkooda, iyo maamul u sameynta,”.

Mareykanka ayaa malmihii u dambeeyey weeraro dhanka cirka ah ka fulinayey gobollada Shabeelaha, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka oo dhammaan dhaca koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this