Deeq A. Posted January 20, 2021 (SLT-Washington)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu si rasmiya xilka ula wareego. Joe Biden ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee 3dii bishii November ka dhacday dalkaasi, inkastoo Madaxweynaha xafiiska baneynaya waa Donald Trump’e uu muran xooggan geliyay natiijadii doorashada, isagoo marar badan ku celceliyay in doorashada lagaga shubtay, walow aanu wax caddeymo ah soo bandhigin. Madaxweyne Trump ayaan ka qaybgeli doonin munaasabadda saacadaha soo socdo lagu caleemo saari doono Joe Biden, waxaase beddelkiisa ka qaybgeli doono Ku-xigeenkiisa Mike Pence Madaxweyne Trump ayaa salaasadii shalay shacabka Mareykanka ugu baaqay in ay u duceeyaan maamulka cusub ee Aqalka Cad la wareegaya. Source Share this post Link to post Share on other sites