Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Madaxa Cali Dheere dul dhigay nus malyuun Dollar, Nolol ama Geeri

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdilafiif Muuse Nuur oo maanta ka khudbaynayay Munaasabad loogu tacsiyaynayay Dadkii ku geeriyoodey Qarixii Xaafada Baraxley ee Saraakiisha Ciidan ay ku geeriyoodeen ayaa soo hadal qaadey Hadal ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Gudoomiyihu wuxuu ku yaboohay in Puntland bixinayso 500,0000 USD Madaxa Cali Dheere keenta.(Soo disha).

Waa markii u horaysay oo Masuul Soomaaliyeed uu ku dhiirado inuu hanjabaad noocaas ah u diro mid kamida Saraakiisha Ururka Argagixisada Al-Shabaab.

Gudoomiyuhu wuxuu yiri “ Wiilasha ilaaliya, Adeerayaal hadaad soo dishaan Ninkaas waxaa la idinku Abaal marinayaa 500,000 oo Dollar”.

Puntlandi.com Haalkacyo

The post Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Madaxa Cali Dheere dul dhigay nus malyuun Dollar, Nolol ama Geeri appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this