Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay danjire ku xigeenka dalka Swedan

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filiah) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiir ku xigeenka dowlad Swedan u fadhiya Soomaaliya Petra Smitmanis Dry.

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadlay kaalinta ay dowlada Swedan ku leedahay dib-udhiska dalka, amniga, taageerida bulshada Soomaaliyeed taas oo qeyb weyn ka ah hormarka dalka  gaara ahaan gobolka Banaadir.

Guddomiyaha gobalka ayaa uga mahadceliayay danjire ku xigeenka Sweden tababbarada ay siiyaan shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar  iyo sidii loo dardar galin lahaa Mataaneenta labada magaalo èe Muqdisho iyo Gothenburg.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan shacabka gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay masuuliyiinta maamulka gobalka Banaadir howlaha ay u hayaan bulshada caasimadd.

Gabogabadii kullankaan ayaa kusoo idlaaday is af-garad iyo dhammaan qodobada la isla soo hadal qaaday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this