Jacaylbaro Posted June 10, 2009 Waxaa loogu baaqayaa Tijaarta danaynaysa inay kor u qaadaan awoodooda ganacsi, in la saadaaliyay in mudo ka dib ay badan doonaan dadka uu qaadku ilko tiray, oo ay u baahandoonaan tibo iyo mooyayaal yaryar oo lagu qaadan karo degta. Inkasta oo aan mashruucan lagu samayn daraasad, waxa uu maalgelin u baahanyahayna aan weli la dejin, sidoo kalena aan la tirakoobin raga bayhoofsan ee u baahan ama u baahandoona wax u bedeli kara ilkahay ku waayeen raambuuska qaadka. sidoo kale ma cadda waxa uu noqonayo qiimaha uu ugu kici karo shirkadda , iyo waxay ku iibin karto, iyo cidda qori doonta tibaahaa iyo mooyayaashaas. Waxaa kale oo u baahan deraaso suurto gal ma noqonaysaa in uu lacag u quudhi doono ninka ciridka qaadka ku cunaa, ee wiciyadan loo sameeyay? waayo waxaa la ogyahay inaanay muqayiliinta badankoodu diyaar u ahayn inay lacag ku bixiyaan waxaan qaad ahayn caruurtoodana ha noqotee,. dhibaatooyinka lagu darayo deraasada waxaa ka mida: 1) boob iyo dhac kaga imankara shirkada niman ilko la, oo murqaansan oo gadooday. 2) inay dhic karto in ay kooxo badani ku wada tuntaan oo iska daba sugaan tib iyo mooye qudha taasina ay dhibaato ku keeni karto shirkada oo ah dalabka oo yaraada. 3 ) tibaha iyo mooyayaasha xawaashka lagu tumaa ma lagu qaadan karaa degta, waayo haday taasi suurto gal tahay waxaa dhici kara inaan suuq wacan loo helin wiciyadan Quote Share this post Link to post Share on other sites