Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Taliyaha Sirdoonka Eriteria oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho & Ujeedkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

XOG: Taliyaha Sirdoonka Eriteria oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho & Ujeedkiisa

imageproxy.jpg

Sida xog hoose aan ku helnay, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha ciidanka Militariga Itoobiya qeybta Oromada Generaal Adem Mohamed iyo taliyaha ciidanka Sirdoonka Eriteria Mekonen.

Laba diyaaradood oo ka kala yimid dalalka Itoobiya iyo Eriteria ayaa xalay  maqribkii ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labada taliye oo ku sugan Xarunta Taliska NISA ee Habar Khadiijo ayaa halkaas kulan kula leh taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah milkiilayaasha Dowladda Soomaaliya.

Xogaha aan helay intaas waxay kusii darayaan in sababaha keenay imaashaha saraakiishan ay ka dambaysay kadib, ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo Soomaalia ah ay ku dhinteen dagaalkii Itoobiya ka dhacay ee u dhaxeeyay Federaalka iyo kuwa Tigreyga.

Itoobiya iyo Eriteria ayaa ka garaabaya sababta ciidanka tababarka loogu qaaday loo dagaal geliyay iyo waxa ujeedka uu ahaa.

Maalmihii u dambeeyay waxaa xoogeysanayay wararka sheegaya in ciidan Soomaali oo tababar loogu qaaday Eriteria lagu dilay dagaalkii Itoobiya ka dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlay warkaas, lama hubi wax aka run iyo been ah marka laga reebo wararka la isla dhexmarayo.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this