Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda OCHA oo sheegtay in xaalad adag ka jirto degmada Xuddur

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubbaridka Gar-gaarka ee OCHA, ayaa ka dayrineysa xaaladda nololeed ee Bulshada ku nool degmada Xuddur ee Gobolka Bakool

Hay’adda OCHA, waxay sheegtay in raashinka uu gabaabsi ku yahay magaalada, kadib markii ay gashay xaalad go’doomin ah oo kaga timid kooxda Al-shabaab, taas oo sababtay in sare u kac xooggan ku yimaado sicirka maciishadda.

OCHA waxay tilmaamtay in ay cabsi ka qabto in xaaladda ka jirta Xuddur ay uga sii darayso dhibaatada bani’aadanimo ee horay uga jirtay degaankaas.

Hay’addu Waxay ugu baaqday maamulka koofur galbeed iyo hay’adaha gar-gaarka, in ay gacan ka geystaan caawinta dadka xuddur.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda OCHA oo sheegtay in xaalad adag ka jirto degmada Xuddur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this