Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax La Tartamay Madaxweynaha Dalka Uganda Oo ay Noloshiisa Halis Ku Jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kampala)-Bobi Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guulleystay Yoweri Museveni.

“Waxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeyga” ayuu yidhi Bobi Wine. Wuxuu BBC-da u sheegay in aanu aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.

Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidammada amniga.

“Cidna looma ogolo in gurigeyga ay soo gasho ama isaga baxdo- dhammaan weriyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa loo diiday inay soo galaan gurigeyga”

Xilliggii ololaha doorashada waxaa Uganda hareeyay qalalaase oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this