Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweynaha Oromia iyo Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo Si Qarsoodi ah u Yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha kilinka Oromia  iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Inkasta oo Villa Somalia aaney ka hadlin arrinkan, balse ilo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in la hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wixii kasoo kordha, kala soco

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this