Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Siidii & saraakiil ciidan oo qarax lagula eegtay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow deegaanka Tixsiile lagula eegtay kolonyo uu hoggaaminayey guddoomiya gobolka Shabeelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo saraakiil ciiidan oo ka tirsan Xoogga dalka.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay saraakiil isugu jirto Soomaali & Cadaan oo ka mid ah wafdigaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka iyo labo askari oo Cadaan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in labo askari kale oo Cadaan ah ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale kolonyada qaraxa lala eegtay oo socdaalkooda sii watay ayaa goor dhow gaaray degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, mana jiro weli wa hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this