Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo : – Senator Siciido Xasan oo laga soorto Gobolka Sanaag oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in uu deg deg isu casilo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Siciido Xasan oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed lagana soo doorto Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa ugu baaqaday Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu iska casilo xilkii umaddu u dhiibatay mar hadduu ku fashilmay hawlihii loo igmaday.

Marwo Senator Siciido oo la hadaleysay warbaahinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo kaligiis Dalkii u xaniban yahay oo uu culeys ku yahay nolosha shacbiga iyo u diyaargarowga doorashooyin loo dhan yahay oo Dalka ka dhaca.

Marwo Siciido ayaa carbaabay oo Madaxweynaha xusuusisay dhibaatooyinka waaweyn ee wakhtigan xaadirka ah Dalka ka jira ee uu ku fashilmay in uu wax ka qabto.

Halkan ka dhageyso hadalka Senator Siciido Xasan :

The post Daawo : – Senator Siciido Xasan oo laga soorto Gobolka Sanaag oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in uu deg deg isu casilo. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this