Sign in to follow this  
Deeq A.

Yoweri Museveni oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   
3-8.jpg?resize=960%2C570&ssl=1Yoweri Museveni

Guddiga Doorashada Uganda ayaa sheegay in madaxweynaha muddada dheer dalkaasi xakumayay ee Yoweri Museveni uu ku guuleystay doorashadi madaxtinimada.

Ninka sida aadka ah ula tartamay oo ka socday mucaaridka, Bobi Wine ayaa qaaddacay doorashada kuna tilmaamay mid lagu shubtay. Saraakiisha doorashada ayaanan sharraxin sidadoorashada loo aamini karo, xilli dalka oo dhan laga jaray isgaarsiinta internetka.

Uganda oo ka mid ah dalalka ugu badan musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ee Africa, ayaa waxaa doorashadi Khamiisti dhacday ku tartamay Museveni iyo musharraxa dhalinyarada ah Bobi Wine.

Wine oo ah fannaan siyaasi isu baddalay ayaa taageero ka heysta dhalinyarada iyo dadka ku nool magaalooyinka waaweyn. Hase yeeshee waxaa marar badan xiray oo qash-qashaaday ciidamada amniga.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in natiijada rasmiga ah ee doorashada ay muujisay, in madaxweyne Museveni u codadki la dhiibtay ka helay boqolkiiba 58% halka Wine uu keenay boqolkiiba 34.

Museveni oo 76 jir ah ayaa Uganda xakumayay tan iyo sannadki 1986-ki. Hadda waxa uu galayaa teeramkiisii lixaad ee xukumaddiisa.

PUNTLAND POST

The post Yoweri Museveni oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Uganda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this